Home Ganacsiga Taageerada Turkiga ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya

Taageerada Turkiga ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya

4 min read
0
0
22

Ankara (SMG) – Shirkada maamusha dekadaha dalka Turkiga ee Albayrak iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis siinaya shirkada heshiis 14 sanno oo cusub ah oo ay ku maamusho Dekeda Muqdisho.

Saxiixa Muqdisho wuxuu daba socday wada-hadallo taxane ah oo dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka wadaagga dakhliga ee labada dhinac.

Heshiiska oo ay saxiixday Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryam Aweys Jaamac ayaa sheegaya in shirkadda Turkiga laga leeyahay ay ka sii hayn doonto adeeg badeed dekedda Magaaladda Muqdisho.

Heshiiskii hore waxaa la saxiixay sanadkii 2013 wuxuuna ahaa 20 sano laakiin waxay noqotay in dib looga wada xaajoodo iyadoo qayb ka ah dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

“heshiiska cusub wuxuu amrayaa in $ 50 milyan oo doolar muddo shan sano ah oo loogu talagalay dhaqancelinta iyo maalgashiga si loo casriyeeyo dekedda iyada oo ay sii kordhayaan qulqulka ganacsiga,” ayay ka tiri Marwo Jaamac xafladda saxiixa.

Laakiin Turkigu kuma lug laha kaliya Dekedda Muqdisho.

Rakaabka socdaalka ku yimaada magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, oo dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyay shirkad laga leeyahay Turkiga iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyadda Turkiga. Sidoo kale waxaa gacanta ku haysa shirkadda turkiga ah ee Favori LLC.

Bishii Oktoobar 2019, ergo uu hoggaaminayo Gamal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa booqday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxayna la kulmeen maalgashadayaal ku midoobay Golaha Ganacsi ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxa golaha, Ahmet Sami Isler, ayaa warbaahinta u sheegay, “Annaga, hadaan nahay ganacsatada Turkiga, waxaan diyaar u nahay inaan bixinno wax walboo tabarucaad ah si aan uga faa’iideysano kheyraadka Soomaaliya ee dhaqaalaha dalka.”

Shirkada weyn ee warbaahinta Turkiga, Daily Sabah, ayaa soo warisay in Soomaaliya ay yeelatay maqaam gaar ah, iyo in mashaariic badan oo ku saabsan horumarinta reer miyiga, caafimaadka, shirkadaha yar yar iyo kuwa amni ay fuliyeen ganacsato iyo hay’ado dowladeed oo Turki ah.

Sannadkii 2011, Raiisal Wasaarihii Turkiga ee xilligaas Recep Tayyip Erdogan haddana ah Madaxweyneha Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray gargaar baaxad leh kadib macluul curyaamisay.

Erdogan wuxuu sheegay in dalkiisu uu sidoo kale gacan ka gaystay dhismaha waddooyinka iyo kalluumeysiga Soomaaliya, wuxuuna u diray khubaro aad u tiro badan oo Turki ah si ay uga caawiyaan kor u qaadista awoodda Soomaaliya.

Turkigu sidoo kale waxay gacan ka geysteen tababbarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan Danab, waxayna saldhig militari ku leeyihiin Muqdisho iyo sidoo kale xafiiska ugu weyn ee diblomaasiyadeed ee Afrika ku leeyihiin Muqdisho.

Load More Related Articles
Load More By Admin M
Load More In Ganacsiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *